Meydadka dadkani oo laga helay saaka agagarka Xeradii Asluubta gaar ahaan dhanka Warshaddii Daawada, waxaana ay ahaayeen dadkaasi qaarkood kuwa rasaas lagu tooktay halka kuwa kalena la gawracay.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in gelinkii dambe ee shalay gaari ay saarnaayeen dadkaasi oo waday wiil dhalinyaro oo tooreey lagu soo dhaawacay si ay isbital u gaarsiiyaan ay halkaasi ku qabteen Ciidamada Itoobiyaanka iyadoo saqdii dhexe ee habeenimadii xalayna ay maqleen dadka deegaanka rasaas taasi oo aheyd tii lagu tooktay dadkani qaarkood.
Waxa ay isugu jireen dadkani kuwa qaraabo ah iyo sido kale darowalkii gaarida dhaawaca siday, waxaana saaka meydkooda loosoo qaaday dhanka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabelaha hoose.
Ma ahan markii ugu horeysay oo Ciidamada Itoobiyaanka ay kudilaan dad rayid ah qeybo kamid ah dalka, waxaana horey dhowr jeer loogu arkay qeybo fara badan oo Muqdisho kamid ah dad la garwacay iyo kuwa rasaas lagu dilay isla markaasina meydadkooda lagu qariyay wadada dhinaceeda iyo guryo laga barakacay.